spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maamulka Hirshabeelle oo deegaanadeeda ka mamnuucday in kasoo dagaan diyaarado hub iyo...

Maamulka Hirshabeelle oo deegaanadeeda ka mamnuucday in kasoo dagaan diyaarado hub iyo ciidan sida.

0
35

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Hirshabeelle ayaa lagu mamnuucay in garoomada diyaaradaha deegaanada Hirshabeelle kasoo dagaan diyaarado hub iyo ciidan sida

 

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in la mamnuucay in diyaaraduhu soo qaadan ciidan iyo hub toona, islamarkaana digniintan si rasmi ah loo gaarsiiyay dhamaan hay’adaha, shirkadaha iyo agencies-ka ka howlgala garoomada diyaaradaha ee hoos yimaada deegaanada maamulka Hirshabelle

 

Waxa si adag loo mamnuucay in diyaarado ciidan hubeysan ama kuwa sida hub iyo qalab milatari sharci darro ah ay soo galaan garoomada diyaaradaha, iyadoo aan la marin nidaamka iyo habraaca dowladda HirShabelle,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maamulka Hirshabelle

 

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku caddeysay in ficil kasta oo noocaas ah uu yahay jebin sharci iyo khatar amni, islamarkaana cid kasta oo lagu helo ama lagu tuhmo arrintan laga qaadi doono talaabo adag

 

“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay mar kale ku celinaysaa in aan la aqbali doonin diyaarad kasta oo hub ama ciidan wadata oo aan la ogayn” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle

 

Amarkaan kasoo baxay Hirshabelle ayaa kusoo aadaya, iyadoo siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda deegaanada maamulkaas ay daraynayaan hoggaanka maamulkaasi, islamarkaana ay doonayaan iney ciidan iyo hub la tagaan si ay u abuuraan cadaadis siyaasadeed

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here