Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Saraakiil ka socoto AUSSOM oo Gaaray Awdheegle.

0
25

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa guushii geesiyaasha Qarankeenna iyo Saaxiibada AUSSOM kadib maanta gaaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa Taliyaha Safarkiisa ku wehliyay Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Saaxiibada AUSSOM, Wasiirka Amniga Koonfur-galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa geesiyaasha qaranka, Saaxiibada AUSSOM iyo guud ahaan Saraakiishooda uga mahadceliyay guusha ay ka keeneen Awdheegle iyo sida ay ubaacsadeen Khawaarijtii gabbaadka ka dhigananeysay.

Taliyaha ayaa sidoo kale u balan qaaday Shacabkii degmada ee ka barakacay dhibaatada Khawaarijta inay guryahooda dib ugu soo laaban doonaan, ayna heli doonaan gurmad deg deg ah oo uga imaan doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here