Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Dowladda uu hogaamiyo Kim Jong Un ee Waqooyiga Kuuriya ayaa soo bandhigtay gantaallo nukliyeer ah oo si toos ah u gaari kara dalka Mareykanka iyo gantaal lagu sheegay inuu yahay midkii ugu sarreeyay oo Waqooyiga Kuuriya ay sameyso kaas oo lagu magacaabo Hwasong-20.
Gantaalada ayeey waqooyiga kuuriya ku soo bandhigeen sannad guurrada 80-aad ee xisbiga talada Dalkaasi haya, sida lagu arkaayay Muqaal uu Baahiyay TVga Ruushla ee RT.
Bandhigan ay sameeysay Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ah mid fariin xambaarsan oo si toos ah ugu socoto Mareykanka iyo Xulufadiisa.




