Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka ee Xamaas oo hubeysan ayaa la soo dhoobay waddooyinka Magaalada Gaza ee goobihii ay Israa’iil isaga baxday.
Waxay buuxinayaan shaqada sugidda ammaanka sababtoo ah faahfaahin lagama bixin cidda maamuli doonta Gaza weli lama go’aansan.
Qorshaha Madaxweyne Trump ayaa ku baaqaya in ugu dambeyntii la geeyo ciidamo xasilin oo caalami ah, oo loo badinayo inay ka kooban yihiin askar ka kala socta dalalka Carabta iyo Muslimka, kuwaasoo taageeraya booliska Falastiin.
Wasaarada cadaalada ee Israel ayaa daabacday liiska 250 maxbuus oo falastiiniyiin ah oo ay sii dayn doonto si ay ugu bedelato la haystayaasha Israel ee Xamas gacanta ugu jira.
Liiskaas kuma jiraan todoba maxaabiis falastiiniyiin ah oo Xamaas ay dalbatay si ay qayb uga noqoto isdhaafsiga – oo ay ku jiraan Marwan Barghouti iyo Ahmad Saadat, kuwaasi oo ay Falastiiniyiintu muddo dheer u arkayeen calaamado iska caabin ah.
Sarkaal sare oo Falastiini ah oo aqoon u leh wada-hadallada ayaa BBC u sheegay in ergayga Mareykanka Steve Witkoff uu ballan qaaday inuu ku cadaadin doono Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, laakiin Israa’iil ayaa si adag u diiday in lagu daro liiska saraakishan.
BBC-da waxay fahansan tahay in Xamaas ay sidoo kale riixayso sii deynta maxaabiis dheeraad ah oo suurtagal ah.
Kuwani waxay la xiriiraan maxaabiis Falastiini ah oo la sii daayay sannado ka hor taasoo qayb ka ahayd xilligii maxabiis is-dhaafsigii a la haystayaashii Gilad Shalit – ka dibna dib loo soo qabtay 7dii Oktoobar.
Xamaas ayaa ku doodaysa in maadaama ay qayb ka ahaayeen afduub hore, in aan lagu darin tirada 250.
XIGASHO BBC





