spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Milatariga Madagascar oo ku dhawaaqay in ay la wareegay talada dalka.

Milatariga Madagascar oo ku dhawaaqay in ay la wareegay talada dalka.

0
23

Talaado, Oct 14, 2025 {HMC} Milatariga dalka Madagascar ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegay talada dalka, wuxuuna hakiyay dhammaan hay’adihii dawliga ahaa, kadib markii baarlamaanka uu meel mariyay xil ka qaadis lagu sameeyay madaxweynaha Andry Rajoelina, oo dalka ka cararay.

Colonel Michael Randrianirina, oo hadal ka jeediyay qasriga madaxtooyada ee caasimadda Antananarivo, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay si buuxda ula wareegeen maamulka dalka.

“Waxaan la wareegnay xukunka,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in ciidamadu ay kala direen dhammaan hay’adaha dawliga ah marka laga reebo golaha hoose ee baarlamaanka.

Randrianirina ayaa sheegay in la dhisi doono gole cusub oo ka kooban saraakiil ka kala socda Militariga iyo ciidamada gendarmerie-da, isla markaana la magacaabi doono ra’iisul wasaare si degdeg ah u soo dhisa dowlad rayid ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in la laalay dastuurka iyo awooddii maxkamadda dastuuriga ah ee ugu sarreysay dalka, isagoo ballan qaaday afti guud oo la qaban doono laba sano gudahood, inkastoo faahfaahinta arrintaas aysan weli caddayn.

Madaxweyne Rajoelina, oo hore u ahaan jiray duqa caasimadda Antananarivo, ayaa wajahayay mudaharaadyo waaweyn oo ay hogaaminayeen dhalinyaro, kuwaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay si xooggan ugu baaqayay inuu iscasilo.

Isbeddelka ugu weyn ayaa dhacay Sabtidii, markii cutub ka tirsan ciidamada gaarka ah ee dalka uu ku biiray mudaaharaadayaasha, taasoo keentay in Rajoelina uu ku dhawaaqo in la isku dayay afgambi.

Rajoelina ayaa habeenkii Isniinta khudbad uu ku jeediyay baraha bulshada ku sheegay inuu dalka uga baxay cabsi uu soo wajahday noloshiisa, isla markaana uu ku sugan yahay meel ammaan ah.

Ilo sirdoon ayaa u sheegay wakaaladda Reuters in Rajoelina uu Axaddii kaga baxay dalka diyaaradda ciidamada Faransiiska, inkastoo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu diiday inuu xaqiijiyo arrintaas.

Saacado yar kadib, cutubka khaaska ah ee CAPSAT oo door muhiim ah ka ciyaaray afgambigii 2009 ee Rajoelina ku yimid talada ayaa sheegay inuu la wareegay talada ciidamada.

Waxay sheegeen inay “diideen amarrada lagu farayay in la toogto mudaaharaadayaasha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here