spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo War ka soo saartay xubnaha cusub ee Soomaaliya...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo War ka soo saartay xubnaha cusub ee Soomaaliya ku matalidoono Baarlamaanka Bariga Afriga

0
20

Arbaco 15 Oct 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay hambalyo u diraysaa xubnaha cusub ee Soomaaliyeed ee maanta loo doortay inay dalka ku metelaan Baarlamaanka Urur-Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EALA).

Wasaaraddu waxay muujineysaa kalsooni buuxda oo ay ku qabto in xubnahan cusub ay si hufan, daacadnimo iyo karti leh u gudan doonaan waajibaadkooda, iyagoo si wax ku ool ah u matali doona danaha iyo mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee gudaha ururkaas.

Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay in ay sii xoojiso ka qaybgalka iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay Urur-Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, si looga guul gaaro barwaaqo wadaagga, horumarka iyo iskaashiga gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here