spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweyne xasan Muxuu ka yiri Xubnihii Maanta loo doortay matalaan Baarlamaanka Bariga...

Madaxweyne xasan Muxuu ka yiri Xubnihii Maanta loo doortay matalaan Baarlamaanka Bariga Afrika.

0
34

Arbaco, 15, Oct  2025 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee maanta ay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u doorteen in ay Soomaaliya ku matalaan Baarlamaanka Bariga Afrika.

Madaxweynuhu ayaa sheegay in ka mid noqoshada Xildhibaannadan ee Golaha Baarlamanaka Bariga Afrika ay tahay guul Soomaaliyeed oo ka tarjumaysa dib u kabashada dalka iyo kobaca doorka bulsho ee Soomaaliya, waxa uuna ku booriyey xubnahan in ay si firfircoon uga shaqeeyaan danaha iyo codka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaannadan laga sugayo in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo bulsho ee Bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here