Khamiis, 16 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay nabadda Bariga Dhexe ee heshiiska uu garwadeenka ka ahaa Trump iyo isku dheelitirka xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka Shiinaha iyo Mareykanka.
Wareysi uu Madaxweynaha siiyay Warbaahinta Newsmax ayuu ku sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka xooggeystay, isla markaasna ay iska taageeraan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo siyaasadda.
“Soomaaliya waxaa ay la dagaalameysa ISIS iyo Alqaacida, waxaana garab siinaya Mareykanka, dhinaca cirka iyo dhulka ayay naga taageerayaan, khatarta ururadaasi waa yaraatay, weeraradii Muqdisho ma jiraan, sidoo kale labadii sano ee la soo dhaafay dalalka Dariska ma weerarin” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Madaxweynaha oo su’aal laga waydiiyay dadaallada Nabadeynta ee Trump ka sameeyay Bariga Dhexe ayaa yiri “Dadaalka lagu nabadeeyay Bariga dhexe waa mid boggaadin mudan, waxaa muhiim in nabadda la adkeeyo dunida sidii hore hadda waa ka xasilooni badantahay”
Mar Madaxweynaha wax laga waydiiyay sida ay isugu dheeli tirayaan tartanka ganacsi iyo difaac ee Shiinaha iyo Mareykanka ayuu sheegay in markasta ay ilaalinayaan danaha Soomaaliya.
“Waa caddahay in Soomaaliya xiriir wanaagsan la leedahay Shiinaha muddo dheer, balse waxaan caddeynaya in gudaha dalkeena uusan ka socon Maalgashi ay garwadeen ka yihiin Shiinaha, balse Mareykanka wuxuu ka wadaa mashaariic, shir saddex cisho socday ayaan ku qabanay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.






