spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay Nin qorsheynayay in uu miino aaso.

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay Nin qorsheynayay in uu miino aaso.

0
56

Khamiis, 16 Oct 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka ee degmada Beledxaawo ayaa gacanta ku dhigay nin  qorsheynayay inuu miinooyin ku aaso waddo muhiim ah oo ay si joogto ah u isticmaalaan shacabka iyo ciidamada ammaanka ee degmadaasi.

Howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen ciidamada Qaranka ayaa lagu qabtay ninkan xilli uu ku howlanaa aasidda labo xabo oo miinooyin ah, kuwaas oo uu damacsanaa in lagu waxyeelleeyo shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddadaas.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegay in ninkan lagu soo qabtay isagoo sita qalabkii uu u adeegsan lahaa miinooyinka, islamarkaana baaritaan dheeri ah lagu hayo si loo ogaado cidda kale ee ku lug leh falkaas argagixisanimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here