spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Baarlamaanka Israaiil oo ansixiyay Hindise Sharciyeed u oggolaanaya Israaiil in ay qaadato...

Baarlamaanka Israaiil oo ansixiyay Hindise Sharciyeed u oggolaanaya Israaiil in ay qaadato Daanta Galbeed.

0
24

Khamiis 23, Oct 2025 {HMC} Baarlamaanka Israa|l ee Knesset, ayaa shalay ansixiyay akhrinta koowaad ee hindise sharciyeed u oggolaanaya inay Israaiil qaadato Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta la heysto oo loo aqoonsado dhul ay Israaiil leedahay ,waxayna arrintan gudaha Israaiil ka dhalisay khilaaf xisbiga uu Netanyahu hoggaamiyo ee Likud ayaa iska diiday inay qaraarkan u codeeyaan, iyagoo diidmadooda ku sabeeyay in qaraarkan uu dhaawacayo xiriirka Israaiil iyo Mareykanka.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa qaraarkan akhrintiisa la meelmariyay isagoo ku sugan gudaha Israaiil wuxuu yiri ; “Codbixintii Knesset ee ku saabsan ku biirinta Daanta Galbeed waxay ahayd arrin yaab leh.

Haddii ay ahayd xeelad siyaasadeed, waxay ahayd xeelad siyaasadeed oo nacasnimo ah, waxaana dareemayaa in la i aflagaadeeyay.

Ma oggolaan doonno in Israa’iil ku darto Daanta Galbeed, mana aanan ku qanacsanayn codbixintaas.”

Trump,ayaa dhankiisa isagoo la hadlaya majaladda Time oo la weydiiyay suurtagalnimada in lagu daro Daanta Galbeed dhulka Israa|l, wuxuu yiri,

“Taasi ma dhici doonto, sababtoo ah waxaan ballan u qaaday dalalka Carabta.

israaiil waxay lumin doontaa dhammaan taageerada ay ka haysato Mareykanka haddii ay arrintaas sameyso.”

Maxay Israa|l muhiim ugu tahay Daanta Galbeed?

Haddii Israaiil ay qaadato Daanta Galbeed oo loo ansixiyay dhul ay leedahay , markaa waxaa meesha ka baxaya doonista Falastiiniyiinta ee inay helaan dawlad madax bannaan oo Falastiini ah, sida lagu qeexay qaraarrada Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here