Qoyska oo ay hormuud u yihiin Bashiir Cabdi Xuseen iyo qoyskiisa ayaa sheegay in ay haramcadka yar heleen isagoo aad u tabar daran, halka hooyadiis oo bakhtiday ay agtiisa ku taallay. Bashiir oo la hadlayay BBC-da ayaa xusay in ay carruurtiisu markii hore arkeen xayawaanka, islamarkaana ay u waceen si uu u eego xaaladdiisa.
Qoyska ayaa haramcadka si kalgacal leh u korsaday, waxayna muddo dheer siiyeen daryeel, cunto iyo hoy, ka hor inta aysan ugu dambayn ku wareejin Hay’adda Duurjoogta ee Kenya (KWS).
Saraakiil ka tirsan KWS ayaa sheegay in ay ku sameeynayaan baaritaan caafimaad iyo qiimeyn lagu hubinayo caafimaadka iyo hab-dhaqanka xayawaanka, kahor inta aan la geyn xarunta duurjoogta ee lagu daryeelo.
Hay’adda KWS ayaa qoyska ku bogaadisay talaabadooda naxariisda iyo masuuliyadda leh ee ay ku badbaadiyeen xayawaanka, waxayna sheegeen in dhacdadan ay tusaale fiican u tahay sida bulshada deegaanku uga qayb qaadan karto ilaalinta duurjoogta dalka.
Dhacdadan ayaa dhalisay hadal heyn iyo bogaadin ballaaran oo ka timid bulshada deegaanka iyo baraha bulshada, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen qoyskaasi “geesiyaal deegaanka u adeega.”






