Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Safaaradda Itoobiya ee Brussels ayaa cambaareysay Midowga Yurub iyo Masar, sababo la xiriira bayaan ay soo saareen oo Itoobiya ay ku sheegtay “gumeysi iyo xuquuq gaar ah oo lagu xakameynayo” Wabiga Niil.
Waxa ay sidoo kale muujisy sida ay uga soo horjeeddo war-murtiyeedka wadajirka ah ee ay soo saareen Midowga Yurub iyo Masar, iyadoo sheegtay in uu muujinayo mowqif khaldan, eex iyo gardarro ka dhan ah Itoobiya.
Bayaankan oo ah sii socoshada wada-hadallada Addis Ababa iyo Qaahira ee sii xoogaysanaya tan iyo markii la furay biyo-xidheenka weyn ee Renaissance Dam, ayaa la soo saaray Jimcihii.
Safaaradda Itoobiya ee magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljam-ka, ayaa soo saartay war-murtiyeed ay kaga jawaabayso war-murtiyeedkii Arbacadii lasoo saaray.
War murtiyeedka laga soo saaray shirkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Midowga Yurub iyo Masar ayaa waxaa lagu faahfaahiyay dhinacyada danta guud ee labada dhinac.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub iyo Masar “ay ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan iskaashigooda” ku saabsan “amniga cuntada iyo biyaha.”






