Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa saacadaha soo socda gudaha diyaaradda Air Force One , kulan deg deg loo qorsheeyay kula yeelan doona Amiirka Dalka Qatar, Tamim bin Hamad iyo ra’iisul wasaarihiisa Mohammed bin Abdulrahman, ka hor inta uusan gaarin dalka Malaysia oo Trump uga qeybgalayo shir madaxeedka iskaashiga dalalka koonfur-bari Aasiya.
Diyaaradda madaxweynaha Mareykanka Air Force One, ayaa la sheegay inay waqti kooban ku sugnaan doonto garoonka diyaaradaha ee Dooxa, xilligaa oo kulanka uu dhacayo, waxaana Trump ku wehelinaya xoghayaha arrimaha dibadda ahna la taliyaha amniga qaranka Mareykanka, Marco Rubio — kaasoo la sheegay in diiradda lagu saarayo xaaladihii u dambeeyay ee bariga dhexe iyo heshiiska nabadda ee Qasa, wallow warbaahintu sheegtay in kulanka u muuqdo mid go’aamo lagu qaadanayo, sida ay weriyeen Reuters iyo warbaahinta Imaaraadka Carabta ka soo baxda ee Al Arabiya iyo wargeyska The National News.







