spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Sidee u dhici karaa dagaal dhexmara Dowladdaha Mareykanka iyo Shiinaha?

Sidee u dhici karaa dagaal dhexmara Dowladdaha Mareykanka iyo Shiinaha?

0
21

Axad, 26,October 2025 {HMC} Dagaallada quwadaha waa weyn sida Mareykanka iyo Shiinaha , sida dadka caadiga ah ay xisaabinayaan ma noqonayo bilowgiisa rasaas ama nukliyeer, taa beddelkeeda marxaladaha uu ku billaaban karo ayaa ka argagax badan hubka, laakin sidee?

Taliyihii hore ee hay’adda sirdoonka amniga qaranka Mareykanka ee NSA , Jen. Tim Hawk ayaa waraysi uu bixiyay ku xaqiijiyay inuu Shiinaha ugu yaraan shan sanno ku dhex jiray kaabayaasha muhiimka ah ee Mareykanka, gaar ahaan biyaha, korontada, gaadiidka dad weynaha iyo adeegyada kale ee nolosha dadweynaha, taa oo loola jeedo inuu wax ka beddeli karay oo maamulkooda farageliyay.

Sidoo kale, shirkad yar oo bixisa adeegga biyaha oo ku taalla Littleton, gobolka Massachusetts ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in la jebsaday oo si dhab ah loo galay nidaamkeeda elektaroonigga ah ee guryaha gaarsiiya biyaha.

Laakin muxuu Shiinaha sidan u sameynaya?

Haddii uu dhaco dagaal Mareykanka iyo Shiinaha ama uu doonayo Shiinaha inuu tallaabo digniin ah u diro Mareykanka , ma uu ridayo gantaallo ama nukliyeer , taa beddelkeeda wuxuu guryaha iyo waddooyinka Mareykanka ku fasaxayaa koronto xad dhaaf ah oo joojinaysa qulqulka dhiiga bani’aamka iyo xayawaanka ku nool Mareykanka , taa oo suragal ka dhigaysa in wax ka yar saacad lagu dilo kala bar dad Mareykanka , waxa xiga waa in si lama filaan ah sun loo qaadsiiyo biyaha laga adeegsado Mareykanka , waa sababta xaaladan ay uga argagax badan tahay adeegsiga hubka caadiga ah.

Waa kan Jen. Hawk oo waraysigan isla xaaladan ka digaya ; “ Haddii ay gacanta ku hayaan nidaamyada biyaha, waxay awood u yeelan karaan inay sumeeyaan biyaha dadka isticmaalaan waana arrin khatar qaran ah oo halis gelin karta nolosha kumannaan qof.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here