Madaxweynaha Brazil, oo ka carooday saxafiyiinta, xili uu wada-hadal kula qaadanayo Trump Malaysia.

0
18

Axad, 26,Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Brazil, Luiz da Silva ayaa ka carooday saxafiyiinta isla marka uu bilowday wada-hadal uu Malaysia kula qaadanayo Trump, markaa oo saxafiyiinta ay billaabeen inay su’aalo badan waydiiyaan, wuxuu yiri ;

“Waqti badan ma hayno , haddii aan hadda la hadalno suxufiyiinta, waqtigii wadahadallada ayaa naga lumi doona. Su’aalihiina dib u dhigta marka uu kulanka dhammaado.”

Trump oo isaga ah qofka inta badan saxafiyiinta ay la socdaan ayaa dhankiisa qosol ku falceliyay, wuxuuna yiri ; “Waa run, maanta su’aalaha saxaafaddu ma fiicna , waa kuwo caajis ah oo aan xiiso lahayn.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here