Khasaare ka dhashay Shil diyaaradeed oo ka dhacay Kenya

0
29

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC}  Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil diyaaradeed oo ka dhaay magaalada xeebta Diani ee dalka Kenya, kaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo Dalxiiseyaal ah.

Saraakiisha gargaarka degdega ayaa sheegay in shilka diyaaradeed ay ku geeriyodeen 10 dalxiise oo reer Yurub ah iyo duuliyaha diyaaradda oo u dhashay dalka Kenya.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay goobta dalxiiska ee Diani Beach waxayna ku sii jeedday Masaai Mara, oo ah dhul caan ku ah duurjoogta, markii ay burburtay saqda dhexe ee saacadda 05:30 waqtiga maxalliga ah, sida ay baahisay Hay’adda Duulista Rayidka ee Kenya.

Shirkadda Mombasa Air Safari ayaa sheegtay in diyaaradda ay saarnaayeen siddeed ruux oo u dhashay dalka Hungary, laba Jarmal iyo duuliye Kenyan, dhammaantoodna ay ku dhinteen shilka.

Guddoomiyaha Gobolka Kwale, Stephen Orinde,ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhacday qiyaastii meel qiyaastii 6 mayl u jirta magaalada Kwale, iyadoo ka duushay garoon yar oo ku yaalla magaalada Diani.

Bishii Agoosto, shilalkan nuucaani ah ayaa ku badan gudaha Kenya, dhawaan diyaarad yar oo ay lahayd hay’adda caafimaadka Amref ayaa ku dhacday duleedka magaalada Nairobi, taas oo dishay lix qof isla markaana dhaawacday laba kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here