Friday 31, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa ka mamnuucay inuu wax shaqo ah qabto walaalkiisa Jamaal Sharac, kaa soo dhawaan xafiis ka furtay magaalada Dimishiq , mashaariic uu ku helay awoodda madaxweynahana ka shaqeynayay, wuxuu sidoo kale Axmed Sharac , kulan wada jir ah la qaatay qoyskiisa oo uu ku jiro Aabbihii, isagoo uga digay in magaca qoyska loo adeegsado dano shaqsiyadeed ama faa’iido gaar ah , sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay inay arrintan ku dhalisay Axmed Sharac inuu la kulmo saaxiibbadiisa ku dhow , wuxuuna ka xareeyay dhowr gaari oo qaali ah oo qaarkood ay adeegsanayeen, isagoo kala hadlaya inay ka fogaadaan si qaldan inay saaxiibnimadiisa u adeegsadaan, wuxuu yiri ; “ Ma hilmaanteen inaad tihiin wiilashii kacaanka? Ma sidaas dhakhsada ah ayuu idin qaaday damacii iyo raaxadii?”



