Puntland oo Lagu eedeeyay in ay weerartay Boocame.

0
25

Jimco 31, Oct 2025 {HMC}  Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Puntland in ay weerar ku soo qaadeen degmada Boocame ee gobolka Sool.

War ka soo baxay maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in iska hor imaad galabta ka dhacay Boocame uu sababay dhaawacyo, iyagoo ku eedeeyay ciidamo ka amar qaata Madaxtooyada Puntland inay weerar ku soo qaadeen degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Boocame, Mahdi Rashaad, ayaa sheegay in ujeedada iska hor imaadka ay ahayd “in qalqal amni laga abuuro magaalada Boocame,” sida uu hadalka u dhigay.

Puntland weli kama uusan hadlin eedeynta uga timid Waqooyi Bari. Boocame waa degmada uu kasoo jeedo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, kaas oo horey u sheegay inay qayb ka tahay Puntland.

Puntland horey ayey uga hor istaagtay in degmada Boocame oo 70 km u jirta magaalada Garowe ay ka dhacdo diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo cod ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka wadday deegaannada Waqooyi Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here