spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Qoys Soomaaliyeed oo Boqol neef oo ari ah ku waayay roobab Xoogan...

Qoys Soomaaliyeed oo Boqol neef oo ari ah ku waayay roobab Xoogan oo Xalay Da ay.

0
43

Sabti 1, Nov 2025 {HMC} Daadad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay Khamiistii deegaanno hoostaga degmada Balanbala ee Ismaamulka Gaarissa ayaa dhaliyay khasaaro soo gaaray dadka xoolo dhaqatada ah oo ku waayay xoolo badan iyo hooygii ay deggenaayeen.

Deegaanka Shimbireey ee hoostaga Sankuri oo ka tirsan Balanbal, ayaa ahaa halka ugu badan ee khasaaraha ay ka soo gaareen dadka xoolo dhaqatada daadadka soo rogmaday.

Deeqow Kuusow Maxamed oo kamid ah dadka uu khasaaraha ka soo gaaray daadku ayaa BBC u sheegay inuu ku waayay 100 neef oo ari ah iyo hooygii deegaanka u ahaa oo uu la soo baxsaday carruurtiisa.

”Meesha waxaa la dhahaa Guutooy oo ka tirsan Shimbireey, amin sagaal saac ah ayaa biyo iska socda i soo galeen, ari gacan kuma hayo, ilmihii ayaan la baxay, wixii raashin, dhar iyo ari ahaa wax haray ma leh, meeshii waan ka baxay oo waan ka cararay, raxmad illaahay keenay ayay ahayd alxamdulillaah,” Ayuu yiri.

Dadka deegaanka ee uu saamaynta ku yeeshay daadka oo aan la tirakoobin ayaan lagu ogaan karin tirada rasmiga ah ee waxyeellada ay gaysteen daadadkaasi ka dhashay roobkii ka da’ay deegaannada hoostaga Balanbala, Garissa.

Dhankiisa xildhibaankii hore golaha deegaanka Balanbala ka soo galayay deegaanka Sankuri, Cabdiwahaab Sulaymaan Baraki oo isna la hadlay BBC ayaa sheegay in inta uu ka war hayo dadka uu saameeyay daadka uu kamid yahay adeerkiis Buurow Colow oo ku waayay ku dhowaad 240 neef oo ari ah ayna ka soo hareen Ariggiisii 270 neef ahaa, 30 kali ah.

Dadka deegaanku ma helin wax gurmad ah oo uga yimid maamulka iyo hay’adaha marka laga yimaado inay dhexdooda isu gurmadeen, sida uu sheegay Cabdiwahaab.

Roobabkii da’ay Khamiista ayaa dadka deegaanku ku raysteen, xilli ay wajahayeen abaar muddo soo jiitamaysay.

Ismaamulka Garissa kahor roobabkan waxaa degdeg ugu baahnaa in cunto lala gaaro ku dhowaad 33,000 qoys, sida uu sheegay Maxamed Dhuubow oo qaybta gurmadka degdega ah u qaabilsan ismaamulka Garissa.

”Roobabka mar kasta oo ay yimaadeen waxa ay la imaadaan daadad xoog leh, jidadka ayay dhib u keenaan marka roobabkii xalay da’ay (Jimce) jidkan Nairobi iyo hadda u dhaxaysa Garissa biyo ayaa saameeyay, Maadaama roobab xoog leh ay ka da’ayaan Kenya-ada hoose waxaa ka da’aya roob xoog leh, marka webiga Garissa wuu biyo keeni doonaa, barkacna wuu keenaa badi, marka taasna waan isku diyaarinaynaa ka imaamul ahaan, fatahaad noocaas ahna waan filanaynaa. Dhinacna abaar ayaa naga haysa oo roobabka xilligan inay yaraadaan ayaa laga yaabaa ayay dheheen,” ayuu yiri.

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here