spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Qarax xoogan oo ka dhacay Mexico oo galaaftay nolosha dad badan

Qarax xoogan oo ka dhacay Mexico oo galaaftay nolosha dad badan

0
16

Axad 2, Nov 2025 {HMC} Dalka Mexico gaar ahaan Gobolka Sonora waxaa ka dhacay qarax sababay dhimashada ugu yaraan 23 qof halka ay ku dhaawacmeen 11 kale sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolkaas Alfonso Durazo oo Warbaahinta la hadlay

 

Dadka waxyeellada intooda badan soo gaartay waxa ay ahaayeen Carruur, waxaa la dhigay mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee Gobolka Sonora si ay u helaan kaalmooyinka kala duwan ay u baahan yihiin Dadkaas sida hadalka loo dhigay

 

“Badi dadka waxyeellada gaartay waa Carruur, waxa aan magacawnay guddi madaxbannaan oo si daahfuran u baara waxa sababay qaraxaan si loo helo cid lagula xisaabtamo mas’uuliyadda wixii dhacay” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Sonora, Alfonso Durazo

 

Laamaha ammaanka ee Gobolkaan dhibaatadu ka dhacday ayaa meesha ka saaray in qaraxa uu ahaa weerar ama mid rabshado wata oo si bareer ah dadkaan loogu beegsaday, balse ma bixin macluumaad dheeraad ah oo xogta qaraxaas la xiriira

 

Qaar kamid ah Dadka goobta joogay ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxaan uu dhacay iyada oo Mexico ay ka socdaan dabbaaldegyo ay dhigayaan dadka masiixiyiin ah oo loo badinayo in waxyaabihii ay ku dabbaaldegayaan uu qaraxa sababay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here