Axad Nov 02, 2025 {HMC} Duqa Magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa ka qeyb-galay gaba-gabada shirka looga hadlaayay horumarinta magaalooyinka Soomaaliya
Shirkan oo muddo Mudo 5-maalin ah ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasaaraddaha Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Mayarada Magaalooyinka, Beledweyne, Dhuusa-mareeb, Baydhaba, iyo Kismaayo iyadoo lagu soo bandhigay horumarka balaaran ee mashruucaan laga gaaray.
Intii shirka uu socday, waxaa lagu soo bandhignay guulo muuqda iyo waxqabadyo la taaban karo, kuwaas oo ay si weyn u bogaadiyeen dhammaan ka-qaybgalayaasha shirka, iyadoo si qoto dheer looga dooday caqabadaha iyofursadaha horumarineed ee jira.
Ugu dambeyn shirka ayaa ku soo dhammaaday si guul leh, waxaana si gaar ah loo bogaadiyay habsami-u-socodka dhismaha wadooyinka Magaalada Beledweyne oo lagu bogaadiyay Maayarka magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin.





