Arbaco 5 Nov 2025 {HMC} Isutagga Suxufiyiinta Soomaliyeed ee FESOJ ayaa maanta 20 Wariye oo gabdho iyo wiilal isugu jira tababar uga furay Magaalada Kismaayo
Tababarka oo laba maalin soconaya ayaa waxaa ka faa’idaysanaya Wariyeyaasha xirfadda saxaafada ku cusub oo sanadihii dambe ku soo biiray.
Saxafiyiinta oo ka kala socday xarumaha idaacadaha madaxa banaan iyo kuwa dowladda ee magaalada kismaayo ayaa Tababarkan oo labo maalin ah waxaa lagu barayaa xirfadaha tebinta wararka iyo warbaahinta guud ahaan.
Faraax Cumar, xoghayaha guud ee FESOJ ayaa tilmaamay in aqoon kororsigan uu noqonayo mid ay ka faa’iideystaan saxafiyiinta ku cusub saxaafadda oo sanadihii dambe ku soo biiray.



