spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Midowga Yurub oo Markab dagaal u soo diray Xeebaha Soomaaliya

Midowga Yurub oo Markab dagaal u soo diray Xeebaha Soomaaliya

0
8

Qamiis 6 November  2025 {HMC}  Midowga Yurub ayaa xeebaha Soomaaliya u diray markab dagaal oo ka tirsan howlgalka la dagaallanka burcad-badeedda ee Howlgalka Atlanta, si loo adkeeyo amniga xeebaha.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in imaatinka markabka daba socdo weerar dabley hubeysan dhawaan ku qaadeen markab ganacsi oo marayay meel u dhow xeebaha Magaalada Muqdisho.

Dhacdadan oo la ogaaday Isniintii toddobaadka ayaan sababin wax khasaare ah, iyadoo xubnaha weerarka geystay ay wateen doon yar isla markaasna ay ku dhawaadeen Markabka.

Xeebaha Soomaaliya wax weerar burcadbadeednimo ah ka dhici muddo ka badan sannad, tillaabadaasi oo muujineysa in meesha laga saarey afduubka Maraakiibta.

Ilaa hadda Dowladda Soomaaliya kama hadlin wararka sheegaya in ka weeraray Markab ganacsi, balse hore waxaa u socday dadaallo looga hortagayo kalluumeysiga sharci darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here