Thursday November 6, 2025 {HMC} Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM, Danjire El Xaaji Ibrahima Diine ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Danjire ku-xigeenka Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya, Ketema Haile.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta Howlgalka AUSSOM iyo Dowladda Itoobiya gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa dagaalka AS.
Danjire Diene ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya kaalin ka qaataan howlgalka AUSOM gaar ahaan dagaalka AS iyo sidii looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Koofurta dalka.
Dhankiisa Danjire ku xigeenka Itoobiya ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay iska kaashan doonaan sidii Soomaaliya u noqon laheyd amni.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli sannadkaan billaawgiisa la howlgaliyay ciidanka AUSSOM ee qeybta ka ah nabad ilaalinta Soomaaliya, isla markaasna ay kamid yihiin dowladaha Itoobiya, Uganda, Masar iyo Kenya.






