Khamiista 6, 2025 {HMC} Kooxo hubaysan oo wata hub culus iyo qoryaha (RPG) ayaa weeraray marka marayay xeebaha Soomaaliya, iyada oo wararka ay tabinayaan wakaaladaha wararka ay sheegayaan in kooxdu u daadatay markabka.
Xarunta howlglada ganacsiga badda ee ciidamada Milatariga Brritain ayaa soo saartay digniin weerar, iyaga oo uga digay maraakiibta ku sugan aaga uu weerarku ka dhacay.
Shirkadda gaarka loo leeyahay ee ammaanka Ambret ayaa sidoo kale sheegtay weerarku inuu socdo, lana beegsaday markabka oo ku soconayay calanka Malta kana soo safray Sikka, Hindiya, una socday Durban Koonfur Afrika.
Ambrey ayaa intaa ku dartay inay u muuqato weerarka ay gaysteen burcad badeed Soomaali ah oo la soo sheegayay inay aaggaasi ka howgalayeen maalmihii u dambeeyay, ayna qabsadeen dooni kaluumaysi oo Iiraan laga leeyahay si ay ugu adeegsadaan howlgaladooda.
Weerarka ayaa ka dhacay meel 560 mayl Koonfur Bari ka xigta xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.






