Wararkii ugu dambeeyay Abaaro aan hore loo arag iyo biyo la’aan oo laga soo sheegayo Iiraan

0
33

isniin 10,Nov 2025 {HMC} Iiraan – gaar ahaan caasimaddeeda Tehraan – waxaa soo food saartay abaar aan hore loo arag dayrtan, iyada oo roobabku ay gaareen heerkii ugu hooseeyay, kaydadkuna ay ku dhow yihiin faaruq.

Saraakiishu waxay ka codsanayaan muwaadiniinta inay ilaashadaan biyaha marka ay dhibaatadu sii korodho.

Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa ka digay in haddii roob ku filan uusan dhawaan di’in, in biyaha Tehran la beeqaamin karo.

Laakiin wuxuu sheegay in xitaa qaybinta laga yaabo inaysan ku filnayn si looga hortago musiibo. “Haddii qaybinta iyo beeqaamintu shaqayn waydo,” Pezeshkian ayaa sidaa yiri, “waxa laga yaabaa in aan Tehran ka baxno.”

Hadaladiisa ayaa dhaliyay dhaleeceynta wargeysyada Iiraan iyo baraha bulshada. Duqii hore ee Tehran Gholamhossein Karbaschi ayaa ku tilmaamay fikradda “kaftan” wuxuuna yiri “in Tehraan dadka laga daadgureeyo haba yaraatee wax macno ah ma samaynayso”.

Saraakiisha saadaasha hawada ee Iiraan ayaa sheegay in wax roob ah aan la fileyn 10-ka maalmood ee soo socda.

Dhanka kale, dhibaatada biyaha ayaa durba saameyn ku yeelatay nolol maalmeedka caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here