Wariyihii hore ee BBC oo loo magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya

0
40

Talaado November 10, 2025 (HMC)   Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdinaasir Axmed Bashiir u magacaabay Agaasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Magacaabista Afhayeenka cusub ee Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa ku soo beegmaysa xilli afhayeenkii hore ee Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale uu ka mid noqday xubnaha guddiga madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo dhawaan meel mariyay Baarlamaanka.

Afhayeenka cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdinaasir oo loo garan og yahay Saxansaxo, ayaa ka mid ah haldoorka saxafiyiinta Soomaaliyeed, isaga oo ku soo jiray muddo sannado ah, waxa uu ka mid ahaa wariyaashii ka shaqeenayay Idaacadda BBC qeybteeda Soomaaliga.

Saxansaxo oo la rumaysan yahay in uu yahay qabiir saxaafadeed iyo aqoon yahaan bartay cilmiga xiriirka (Communication) ayaa la filaa in uu hal abuur cusub ku soo kordhiyo xafiiska warfaafinte ee Ra’iisul Wasaaraha.

Agaasimaha cusub ayaa horay ugu soo shaqeeyay; Goobjoog Media, Universal TV, and Som News TV, sidoo kale waxa uu agaasime ka soo noqday Raadiyaha iyo TV Jubbaland oo xaruntiisu tahay magaalada Kismaayo ee maamul gobaleedyadka Jubbaland.

Saxansaxo ayaa heerka koowaad ee Jaamacadda ka diyaariyay Communication, waxa uu ka qaatay University of South Africa (UNISA), sidoo kale waxa uu markale heerka koowaad ee Jaamacadda ka diyaariyay xiriirka caalamiga uu ka diyaariyay United States International University–Africa (USIU-A) oo xarunteedu tahay magaalada  Nairobi ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here