Guddoomiye Sacdiyo oo booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya Islamabad ee dalka Pakistan.

0
26

Talaado Nov 10, 2025 {HMC} Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, iyo wafdi xildhibaano ah ayaa maanta booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Islamabad, caasimadda dalka Pakistan.

Masuuliyiinta safaaradda waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyo saraakiisha kale ee safaaradda, kuwaas oo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad uga warbixiyay hawlaha safaaradda iyo taageerada ay u fidiso dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa masuuliyiinta safaaradda uga mahadcelisay soo dhawaynta diirran, isla markaana ku amaantay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here