Talaado Nov 10, 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya (NCSC).
Kulanka wasiirka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali, Wasiiru-Dowlaha, Mudane Caynanshe Yuusuf Xuseen, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Xasan.
Dhanka Guddiga, waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan.
Wasiirka ayaa dhageystay warbixin guud oo ay soo jeediyeen xubnaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka, taas oo ku saabsan arrimaha mudnaanta u leh horumarinta maamulka shaqaalaha rayidka dowladda, hawlaha u qabsoomay, iyo dadaallada uu guddigu wado ee lagu xaqiijinayo nidaam shaqaalaysiin hufan oo qaranka ah.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa horumarinta cududda shaqaalaha dowladda, gaar ahaan kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha, maareynta waqtiga shaqada, iyo soo xaadirista joogtada ah.
Guddigu wuxuu soo bandhigay caqabadaha ku hor gudban hawlaha socda iyo sida ay Wasaaradda isaga kaashan lahaayeen xalinta caqabadahaas.
Ugu dambayntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa uga mahadceliyay Guddiga Shaqaalaha Rayidka shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed, isagoo iclaamiyay in la qabto kulamo kale oo lagu dardar-gelinayo hawlaha guddiga.



