Taliska xoogga oo ka warbixiyay eedeysanayaal loo qabtay dhacadadii foosha xumeyd ee ka dhacday Wanlaweyn

0
19

Talaado 10, Nov  2025 {HMC} Sareeye Guute Sahal Cabdullaahi Cumar Taliyaha ciidanka Dhulka  ayaa sheegay in eedeeysanayaal ku eedeeysan dhacdadii dilka iyo gubista ahayd ee ka dhacday aagga Walaweyn in eedeysanayaal gacanta lagusoo dhigay isla markaasian lagu wareejiyay laamaha caddaalada.

“ Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed waxa uu aad uga xun yahay falkii bahalnimada ahaa ee lagu dilay marxuum Isaaq Daa’uud Maxamed laguna gubay taariikhdu markii ay ahayd 7/11/2025” ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray in Falkaasi uu ka dhacay deegaanka Dundumaayee degamada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose

Taliyaha ayaa sheegay in falkaasi aanu ahayn mid ku banaan diinteena iyo dhaqankeena midna.

Taliyuhu wax uu sheegay in lasoo qabtay seddex edeysane oo lagu tuhmayo in ay geeysteen falkaasi foosha xumaa

“Seddexdaasi eedeysane waxa isla maantay lagu wareejiyay maxkamadda ciidanka qalabka Sida” ayuu yiri taliyuhu.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoosee Ibraahim Aden Najax oo warfideeynka la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin “ dhacdooyinkii ugubka ahaa ee ka dhacay gobolka Sh/hoose”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here