Dowladda UK oo ciidamo iyo qalab u diray Belgium si ay uga hortagaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka

0
25

Talaado 10, Nov 2025 {HMC}  Ciidamada dalka Belgium-ka ayaa taageero ka codsaday UK horraantii toddobaadkan, sida uu BBC-da u sheegay, madaxa ciidamada difaaca, Richard Knighton.

Gegida dayuuradaha ee Brussels ayaa si ku meel gaar ah loo xiray habeenimadii Khamiista, ka dib markii lagu arkay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano (UAVs) meel u dhow magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium.

Diyaaradaha Drones-ka ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in lagu arkay goobo kale oo ay ka mid tahay Saldhig ciidan.

Isagoo la hadlayay barnaamijka telefishinka BBC-da ee ay daadihisay Laura Kuenssberg Axaddii, madaxa ciidamada difaaca Knighton ayaa sheegay, in UK ay siineyso taageero militari oo ay uga jawaabeyso codsiga Belgium, qalab iyo shaqaaluhuna ay ku soo wajahan yihiin.

Fiidnimadii Axadda, warar ka soo baxay Belgium ayaa sheegay, in saddex diyaaradood oo kale la arkay iyagoo dul heehaabaya warshadda tamarta Nukliyeerka ee Doel.

Afhayeen u hadlay shirkadda tamarta Engie ENGIE.PA ayaa xaqiijiyay in aysan jirin wax carqalad ah oo ku yimid shaqada warshadda.

Duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Liege ee Grace-Hollogne ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyay, sababo la xiriira muuqaallo diyaarado kale oo lagu arkay hawada.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here