Shirka qorshaynta Hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Bulshada Bariga Afrika oo La soo gabagabeeyay.

0
19

Talaado 10, Nov 2025 {HMC} Shirka qorshaynta carbiska Hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Bulshada Bariga Afrika ayaa maanta ka furmay Xarunta Tababarka Nabadda iyo Gargaarka Bani’aadamka (Humanitarian Peace Support Training Centre), Nairobi, Dalka Kenya.

Shirkan ayaa lagu qorshayn doonaa wajiga koowaad ee carbiska howlgallada wadajirka ah waxa uuna socon doona muddo saddex maalmood ah, laga bilaabo 10-ka ilaa 13-ka Noofembar 2025.

Waftiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Gaashaanle sare Axmed Ciise Axmed, Taliyaha Taliska tababarka & Doktorinka XDS (oo ah madaxa waftiga), ayaa ka kooban saraakiil ka socda Taliska Ciidanka XDS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here