Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida ayaa sheegay in uu la socdo dhaqdhaqaaqa Kooxahaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay isku dayay in ay afduubtaan Maraakiib marayay xeebaha Soomaaliya iyo biyaha ka baxsan.
Midowga Yurub ayaa sheegay in maraakiibtooda ku sugan Biyaha Soomaaliya iyo Badweynta Hindiya in ay dusha kala socdaan Maraakiibta & Doomaha Ganacsiga ee u nugul in ay afduuban karaan Kooxaha Burcad Badeedda sida hadalka loo dhigay.
Saraakiisha howlgalka Midowga Yurub ee Atalanta ayaa meesha ka saaray in ay jirto awood buuxda oo Kooxaha Burcad badeeddu xiligaan u leeyihiin sidii ay duullaan joogta ah ugu qaadi lahaayeen Maraakiibta ay damacsan yihiin in ay afduubtaan.
Dhacdooyinkii koobnaa ee dhowaan dhacay ayay ku tilmaameen kuwo mar dhif ah dhici kara iyada oo kooxaha Burcad Badeedda ay ka feejigan yihiin tallaabada ay kala kulmi karaan maraakiibtooda ku sugan Badweynta Hindiya.
Hay’adda la socodka badaha ayaa sheegtay in aysan jirin halis cabsi badan abuuri karta oo laga qabo Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida xitaa iyaga oo gaystay labo weerar oo ay ku guuldaraysteen in ay ku qabsadaan maraakiibtaas.






