Maxaa keenay in Israa’iil ay ka walaado diyaaradaha uu Sacuudigu ka iibsanaayo Mareykanka?

0
28

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujin doonaa isbeddelo waaweyn oo ku yimaadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, sidoo kalana wuxuu keeni karaa caqabado ku wajahan dhinaca milateriga Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan Sacuudiga waxaa lagu dari karaa shuruudo iyo xarrimo kale oo lagu hubinayo awoodda millateri ee Israa’iil ee gobolkaas.

Trump wuxuu doonayaa in uu dhammystiro qorshahan maaddaama uu fahamsan yahay hoggaanka Sacuudiga. Mubarak Al-Attiyah ayaa sheegay in Trump uu aamminsan yahay in hadafka Sacuudiga uu ka badan yahay ilaalinta xuduudaheeda.

Al-Attiyah ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Trump uu sidoo kale ogyahay in Sacuudiga oo ka duwan waddamda kale ee gobolku aanay lahayn ujeeddooyin kale oo ballaadhan.

Khubaradu waxay sheegayaan in Israa’iil aanay dooneyn in Maraykanku ka iibiyo Sacuudiga diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Sida ay warbaahinta Israa’il ku warrantay, heshiiskan wuxuu noqon karaa halis weyn oo amniga Israa’iil ka dhan ah mustaqbalka haddii xidhiidhkeeda dalalka kale ee Bariga Dhexe aanu ku socon sidii caadiga ahayd.

Laakiin marka laga hadlayo Sacuudiga, Mubarak Al-Attiyah waxa kale oo uu aamminsan yahay in aanay doonayn in ay bedesho siyaasaddeeda iyo masuuliyadeeda ku aaddan arrimaha dalalka Carabta waqtigan.

Arrinta ugu muhiimsan waa Falastiin, Sacuudiguna wuxuu aamminsan yahay in dal madax bannaan oo Falastiiniyiint8u leeyihiin la dhiso iyadoo la tixgelinayo xuduudihii 1967.

Tani waa shuruud aasaasi ah oo ku saabsan wada-hadallo kasta ee ku aaddan mustaqbalka Bariga Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here