Guddiyada Miisaaniyadda labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la qaateen Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka.

0
25

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Guddiyada Miisaaniyadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalintii saddexaad ku howlan ka soo tala bixinta warbixinta iyo xisaab xirka Miisaaniyadda 2024-ka, ayaa Maanta waxay kulan kale oo isla-xisaabtan ah la qaateen Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutaale, iyo xubno kale oo xafiiskaas ka tirsan.

Kulanka ayaa Hanti-dhowraha Guud lagu waydiiyay su’aalo iyo warbixinno dheeri ah oo ku saabsan arrimaha xisaab xirka Miisaaniyadda 2024-ka, hufnaanta baarista hay’adaha dowladda, iyo su’aalo kale oo muhiim ah, kuwaas oo si buuxda uga jawaabeen isaga iyo xubnihii kale ee la socday.

Intaas kadib, xubnaha Guddiyada Maaliyadda labada aqal ayaa dood iyo falanqayn dheer kadib isla-gartay in warbixinta xisaab xirka Miisaaniyadda 2024-ka lagu soo bandhigo akhrinta labaad ee Golayaasha, si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Kulanka waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Guddoomiyayaasha Guddiyada Maaliyadda ee labada gole, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer iyo Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here