Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Baarlamaanka Israa’iil ayaa dhageystay akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka soo jeedinaya ciqaabta dilka ah dadka lagu helo argagixisanimada – sharcigan oo macnaheedu yahay in ciqaabta dilka loo adeegsan karo falastiiniyiinta lagu helo weeraro ka dhan ah Israa’iiliyiinta.
Wasiirka amniga ee midig-fog, Itamar Ben-Gvir – oo Jewish Power party uu sharcigan soo bandhigay – ayaa u dabbaaldegay isniintii isagoo nacnac u qaybiyey ka dib markii sharcigan laga hor akhriyey 120 xildhibaan ee baarlamaanka oo ay u codeeyeen 39 cod.
“Kadib marka sharciga la ansixiyo – argagixsada waxaa ay mari doonaan cadaab,” ayuu yiri.
Hindisahan waa in laba jeer oo kale loo codeeyaa ka hor inta uusan sharci noqon.



