Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in afar qof la xiray ka dib markii tobnaan qof oo wejiga soo qarsaday ay weerareen xaafado ay deggan yihiin qoysas Falastiiniyiin ah oo ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto.
Iska hor imaad ayaa dhex maray iyaga iyo dadka deegaanka, waxaana loo diray ciidamada Israel si ay u dejiyaan qalalaasaha.



