Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir ahna Duqii Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa kahor yimid shaacinta musharraxnimada ee Duqa Caasimadda uu isku soo taagay Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Yuusuf Madaale ayaa nasiib darro ku tilmaamay in goob olole looga dhawaaqayo uu musharraxa Gobolka Banaadir ee Xisbiga Caddaaladda & Wadajirka ee JSP uu ku dhawaaqay Duqa Muqdisho ee haatan talada haya Dr Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Waxa uu tilmaamay in nidaamka u yaalla Xisbiga Caddaaladda & Wadajirka (JSP) uu yahay in uu iska dhex doorto musharraxa u tartamaya xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Doorashada la filayo in ay dhowaan ka dhacdo Magaalada Muqdisho.
“Waxaa nasiib darro ah in ku xigeenka xoghayaha guud ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka JSP in meel Olole uu ka socdo uu ku dhawaaqo Musharraxa Xisbiga JSP ee gobolka Banaadir, Xisbiga waxa uu leeyahay xeer Hoosaad Doorasho oo qofka musharraxa ah ku imaanaya doorasho hoose” ayuu yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
Duqii hore ee Muqdisho waxa uu arrin halis ah ku tilmaamay ku dhawaaqista Muungaab maadaama uu sheegay in aan loo dhammayn, kala tagga Xisbiga Caddaaladda iyo wadajirka JSP ayuu shaaciyay in uu qorshahaas qayb ka noqon karo ama uu burburo sida uu hadalka u dhigo.



