Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Ciidanka Ruushka ayaa dagaal adag oo muddo bilooyin ah qaatay kadib, waxay 24 saac ee u dambeysay billaabeen inay gudaha u galaan magaalada Pokrovsk oo ahayd difaaca ugu adag ee ciidanka Ukraine ay kaga sugnaayeen jihada bari iyo gobolka Donetsk, taa oo siinaysa ciidanka Ruushka guul muhiim ah oo istaraatiji ah , balse askarta Ruushka ayaa laga arkayay inaysan u fududeyn soo gelitaanka magaaladan oo u muuqata si dhammeystiran inay u burburtay, waxay adeegsanayeen mootooyin iyo gaadiid burbur badan ka muuqday, halka dagaalka ciidanka Ruushka uu muujinayo in laga tixraacay kooxaha loogu yeero ururrada Islaamiyiintaa ee inta badan adeegsada mootooyinka iyo agabka fudud, taa oo Ruushka uu hoos ugu dhigayo kharaashadka dagaalka uga baxaysa.
Saraakiil Ruush ah ayaa bartamihii sannadkii 2024 , waxay Moscow kula kulmeen xubno ka tirsan ururka Falastiiniyiinta Xamaas, iyagoo wax ka waydiiyay sida ay ugu suragashay inay diyaariyaan weerarkii 7 Oktoobar , adeegsiga qalabka fudud iyo sida ay ku jebiyeen nidaamyada la socodka xadduudaha iyo difaaca, balse markaa saraakiishii Xamaas ma sheegin wax badan , iyagoo ku andacooday in weerarka laga diyaariyay gudaha Qasa oo habkaa aysan waxba kala socon , sida aan ka akhriyay warbixin uu baahiyay wargeyska Al-Araby Al-Jadid.
Halka aad dib uga dhageysan kartid telefishinka RT madaxweyne Putin oo sheegaya ; “ Waxaan ku qasbanahay dugsiyada tababbarka milatariga inan ku soo darno istaraatijiyad dagaal oo la mid ah weerarka ay Xamaas qaaday , sida loo fuliyay iyo haddii weerarkaa oo kale Ruushka uu la kulmi sida la isaga difaaci karo… dhabtii weerarkaa wuxuu u dhacay hab aan horey looga diiwaangelin dugsiyada milatariga.”



