Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa markii u horreysay dadweynaha u oggolaatay bandhig gaar ah oo lagu soo muujiyay hubka Iiraan ee isugu jira gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Bandhigga oo toddobaad soconaya ayaa lagu arki karaa toban nooc oo gantaallada riddada dheer ee gudaha Iiraan lagu sameeyay iyo noocyada diyaaradaha Shahed ee aan duuliyaha lahayn.






