Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Saraakiil Mareykan ah iyo Sacuudiga ayaa wada-hadallo adag ku yeeshay magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, kuwaasoo lagu diyaarinayo heshiiska difaac oo Sacuudiga uu ku doonayo inuu helo dammaanada amni ee Mareykanka oo ay ku jirto weerar kasta oo Sacuudiga la kulmo inan loo baahneyn ansixinta golayaasha sharciga ee Mareykanka, mid la mid ah heshiiska difaac ee Mareykanka iyo Qatar,sida ay sheegtay Axios.
Wada-hadalladan waxay dhaceen ka hor booqashada rasmiga ah ee Aqalka Cad uu ku tagayo dhaxal-sugaya boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, taa oo noqonaysa middii u horreysay tan iyo markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilkii Jamal Khashoggi ee sanadkii 2018.
Mareykanka, waxaa wada-hadallada ku matalayay wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner, kaa oo hoggaamiyaha heshiiska Carabta iyo Israa’iil ay ku yeelanayaan xiriirka diblomaasiyadeed.



