Turkiga oo beeniyay wararka la xiriirinaya ‘Weerarkii Argagixiso’ ee Caasimada Hindiya Delhi.

0
24

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC}  Turkiga ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta Hinidiya oo sheegayay in ‘weerarkii argagixisada’ ee Delhi lala xiriiriyay Turkiga. Agaasinka Isgaarsiinta ee Turkiga ee ka hortagga wararka been abuurka ah ayaa yiri , “Wararka ay soo saareen qaar ka mid ah hay’adaha warbaahinta Hindiya ayaa lagu sheegay in Turkigu uu xiriir la leeyahay dhacdooyiinka argagixisanimo ee Hindiya, isla markaana uu taageero saad ah siiyay, waa mid aan jirin.”

“Tani waa qayb ka mid ah ololaha warar been abuul ah oo ula kac ah oo loogu talagalay in lagu dhaawaco xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.”

Turkiga ayaa sheegay in uu gabi ahaanba diidan yahay nooc kasta oo argagixisanimo, meel kasta iyo cid kasta oo geystaba, waxaana ay safka hore kaga jiraan la dagaalanka argagixisada iyagoo kaashanaya beesha caalamka.

Turkiga waxa uu sheegay in sheegashada noocaasi ay tahay ‘gebi ahaanba mid been abuur ah oo aan jirin ’.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay Delhi Isniintii, kaas oo ay dawladda Hindiya ku tilmaantay “Weerar Argagixiso”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here