spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowlada Soomaaliya oo Shir deg deg ah ka leh Khalalaasaha E-Visa

Dowlada Soomaaliya oo Shir deg deg ah ka leh Khalalaasaha E-Visa

0
46

Sabti 15,Nov 2025 {HMC}  Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya—gaar ahaan hay’adaha ay khusayso nidaamka socdaalka iyo duulista hawada—ay haatan ku jiraan shir degdeg ah oo looga arrinsanayo jawaabta rasmiga ah ee ay ka bixin doonaan qalalaasaha ka taagan nidaamka E-Visa iyo mareegtii labaad ee dhawaan la sameeyay oo haatanba dhacsan.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in isqabqabsi xooggan uu ka jiro hagidda iyo maamulka nidaamka E-Visa, gaar ahaan cidda xaqa u leh soo saarista dal-ku-joogga, taas oo noqotay muran dhexmaraya hay’adaha dowladda qaarkood. Waxaa intaa dheer in qaar kamid ah shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah loo sheegay in rakaabka imaanaya Soomaaliya ay ka qaadi karaan dal-ku-galka garoomada dalka gudaheeda, hase yeeshee shirkadaha qaabilsan lacag-qaadista arrintaas ay si adag uga horjeedaan.

Wararka aan heleyno waxay tilmaamayaan in saacadaha soo socda dowladda Federaalka ay soo saari doonto war rasmi ah oo ku saabsan arrintan. Sidoo kale xog hoose ayaa muujinaysa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, uu amar ku bixiyey in si buuxda loo fuliyo heshiisyadii hore loogu wareejiyey shirkadda loo xilsaaray qandaraaska nidaamka E-Visa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here