Axad, 16, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Venezuela , Nicolás Maduro ayaa lagu warramaya inuu si qarsoodi ah ugu soo bandhigay Trump, inuu siin doono qeyb weyn oo ka mid ah kaydka shidaalka Venezuela oo gaaraya 300 bilyan oo foosto , si looga fogaado duullaan uu Mareykanka ku qaado Venezuela, balse Trump ayaa diiday qorshahan, taa beddelkeeda maraakiib dagaal ayuu u diray biyaha ku dhow Venezuela, iyadoo ujeeddadu tahay in heshiis midkan ka sarreeya laga helo Venezuela, sida uu sheegay wargeyska New York Times.
Ma jiro wax falcelin ah oo warbixinta wargeyskan Mareykanka ka soo baxa oo ka timid Maduro, lama beenin mana jirto xaqiijin ka timid dhinaca Venezuela, balse marka warbixintan ay soo baxday waxaa muuqaal ku baahisay baraheeda bulshada haweenayda hoggaamisa mucaaradka Venezuela, María Corina ee u janjeerta dhinaca galbeedka oo sheegtay inay diyaar u tahay kaydka shidaalka, macdanta iyo khayraadka Venezuela inay ku wareejiso Mareykanka , haddii laga caawiyo inay xukunka la wareegto.






