isniin, 17, Nov 2025 {HMC} Dawladda Kenya ayaa wajahaysa weerar dhinaca Internetka ah oo lagu qaaday boggaga rasmiga ah ee dhowr wasaaradood oo ay ku jiraan ; Caafimaadka, arrimaha gudaha , waxbarashada , biyaha iyo Shaqada, waxaana hawada laga saaray barahooda internetka oo qaarkood farriimo lagu baahiyay, sida ay werisey warbaahinta Citizen oo weerarkan ku sheegtay mid ka mid ah weerarrada ugu baaxada weyn ee ay wajahaan hay’adaha dawladda Kenya.



