spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Puntland iyo Galmudug oo ku guuleystay Aasida Barkat xiisad ka dhax Abuurtay...

Puntland iyo Galmudug oo ku guuleystay Aasida Barkat xiisad ka dhax Abuurtay lamabada maamul.

0
32

Arbaco Nov 19, 2025 {HMC} Kormeer ay si wadajir ah u sameeyeen maamulada heer gobol iyo heer degmo ee Puntland iyo Galmudug, ciidamada isku dhafka ah, iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ayaa maanta lagu gaarey is-afgarad ku saabsan xal u helidda muran ka taagnaa baraag laga qoday duleedka degmada Gaalkacyo.

Inta lagu guda jiray kormeerka, wafdigu waxay booqdeen goobta ay khilaafku ka jireen, iyagoo si qoto dheer u dhageystay cabashooyinka iyo tabashooyinka ay soo bandhigeen bulshada deegaanka.

Waxaa sidoo kale la falanqeeyay sida ugu habboon ee loo dejin karo xal waara oo ka turjumaaya nabadda iyo wada-noolaanshaha shacabka labada dhinac.

Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in baraagta muranku ka taagnaa la aaso, si looga hortago isku dhacyo iyo in la dhowro amniga guud ee gobolka. Sidoo kale, guddiga isku dhafka ah ee amniga labada dhinac ayaa la wareegay tabashooyinka la soo gudbiyay, waxayna isla garteen inay ka fariisan doonaan sidii xal rasmi ah looga gaari lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here