spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Israa’iil iyo Lubnaan oo si kala duwan uga hadlay duqeyn ka dhacday...

Israa’iil iyo Lubnaan oo si kala duwan uga hadlay duqeyn ka dhacday xero qaxooti

0
17

Arbaco Nov 19, 2025 {HMC} Militeriga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo ku dileen dagaalyahannada Xamaas oo ku sugnaa xero qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku taalla dalka Lubnaan.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex iyo toban qof lagu dilay xero qaxooti oo ku taalla koofurta dalkaas oo ay ku jiraan Falastiiniyiin.

Xamaas ayaa cambaareysay weerarka.

Israa’iil ayaa weerarro joogto ah ku qaadda dadka iyo goobo ku yaalla Lubnaan tan iyo intii la saxiixday heshiis lagu doonayay in lagu soo afjario kooxda ay Iiraan taageerto ee Xisbullah.

Inta badan weerarrada ayaa lagu beegsaday Xisbullah balse Israa’iil ayaa sidoo kale Xamaas ku weerarta gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here