Ilhaan Cumar oo Digniin Adag ujeedisay Madaxweyne Trump.

0
50

Arbaco Nov 19, 2025 {HMC} Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska ee dalka Mareykanka ayaa baraheeda bulshada ku daabacday qoraal ay ku sheegayso in ay u codeysay “haa” arrinta ku saabsan fasixitaanka faylasha Epstein oo Trump u uku jiro.

“Waxaan u codeeyay HAA in la sii daayo faylasha Epstein” ayay ku tiri qoraalkeeda.

Waxey intaa raacisay,“Kuwa ka badbaaday xadgudubkii Epstein—iyo dhammaan dadka ka badbaaday xadgudubka iyo tahriibinta galmada—waxay mudan yihiin caddaalad”.

Sidoo kale waxey muujisay in tallaabadaan loogu codeyay faylasha ay tahay mid muhiim ah,“Maanta waa tallaabo muhiim ah oo lagu raadinayo runta lana hor keenayo mas’uuliyadda hay’adaha iyo dadka ugu awoodda badan,”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here