Khamiis 11, Nov 2025 {HMC} Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay inuu Mareykanka ka iibin doono Sacuudiga diyaaradaha jiilka shanaad ee F-35 , balse waxaa hoos loo dhigi doonaa awoodooda mana noqon doonaan kuwa leh awoodda diyaaradaha F-35 ee ay heysato Israa’iil, si loo xaqiijiyo inaysan cid kale dhinaca awoodda dagaalka kula tartamin Israa’iil, waxaana gudaha Mareykanka looga arkaa arrin sharci ah.
Sacuudiga, sidoo kale diyaaradaha uu helayo ee F-35 ma noqon doonaan kuwa leh tiknoolajiyada dagaalka elektarooniga ah ee diyaaradaha Israa’iil iyo gantaallada jiilka cusub ee AIM-260.
Israa’iil diyaaradaha F-35 waxay heysata tiro badan oo ay helaysay siddeedii sanno ee u dambeysay , taa jirto weli si cad ayay Israa’iil uga soo horjeeda in Sacuudiga uu helo F-35 , tallaabooyinka hadda la qaaday ee hoos loogu dhigayo awoodda diyaaradaha la siinayo Sacuudiga ayaa u muuqda inay tahay dammaanad la siinayo Israa’iil oo ah ; “ Wali idinka ayaa ah kuwa awoodda sare.”



