spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Israaiil oo ku Hanjabtay in ay Iran ku dhufaneyso Nukleer hadii Mareykanka...

Israaiil oo ku Hanjabtay in ay Iran ku dhufaneyso Nukleer hadii Mareykanka uu Duqeyn waayo Nugleerka Iran.

0
30

Khamiis 11, Nov 2025 {HMC} Sarkaal hore oo ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da , John Kiriakou ayaa markii u horreysay daah qaaday sababta ku qasabtay inuu Trump qaato go’aan uu ku weerarrayo xarumaha nukliyeerka ee Iiraan, wuxuu yiri”

“Sababta Trump u go’aansaday inuu Iiraan duqeeyo waxay ahayd in Israa’iil u sheegtay, ‘Haddii aadan adigu garaacin Iiraan oo aadan burburin xarumaha dhulka hoostiisa ku yaalla ee nukliyeerka, annagu waxaan adeegsan doonaa hub nukliyeer ah…Arrintaas hore weligood uguma hanjabin.

Markaasi ayuu Trump fahmay in haddii uu Iiraan duqeeyo, ay suurtogal tahay in uu dunidda ka badbaadiyo dagaalka saddexaad ee adduunka.”

Wallow aysan jirin cid horey usoo bandhigtay xogtan, hadan Israa’iil ma heysan hub kale oo aan ahayn nukliyeer oo ay ku weerarri kartay xarumaha nukliyeerka Iiraan oo ku hoos yaalay buuro hoostooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here